Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogay dalka Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalkaasi, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi, ee ay wadaagaan labada shacab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com