Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta qaabilay Maamuleyaasha Warbaahinta ka hawlgasha dalka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda Saxaafadda in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso daahfurnaanta shaqada dowladda iyo xogsiinta shacabka, waxa uuna tilmaamay doorka ku aaddan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga iyo la dagaalanka fikradaha argagixisada ee laga sugayo Warbaahinta in ay dardargeliyaan.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa adkeeyay doorka xukuumadda ee ku aaddan dhowridda xorriyadda hadalka, xuquuqda Warbaahinta iyo badqabka Wariyeyaasha, isagoo ku bogaadiyay shaqada ku aaddan xogsiinta iyo wacyigelinta, ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxda Warbaahinta ayaa dhankooda la wadaagay Ra’iisal Wasaaraha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Warbaahinta, taas oo aasaas u ah xaqiijinta xorriyadda iyo madaxbannaanida Saxaafadda, iyagoo la wadaagay tallooyin la xiriira qaabka ay u wada shaqeyn karaan Warbaahinta iyo dowladda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com