Gudoomiyihii Degmada Marka, Cabdullaahi Cali Axmed (Waafow) ayaa maanta lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Degmada, xilli la sheegay inuu soomanaa.
Maxamed Cismaan Cali (Yariisow), Gudoomiyihii hore ee Degmada Marka, haatana ah Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa sheegay in Gudoomiyuhu soomanaa, markii ismiidaamiye Shabaab ka tirsan uu isaga iyo dad kale oo la joogay uu isku qarxinayay.
Waxaa uu sheegay inay shir ka soo wada baxeen Gudoomiyaha, ka hor intii aanu naftii halligaha isku qarxin afaafka hore ee Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Marka.
“Isagoo sooman ayaa maanta qaraxaasi uu cadow la beegsaday, Allaha u naxariisto intii dhimatay, intii dhaawacantayna ha caafiyo.” Ayuu yiri Yariisow oo VOA la hadlay.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo BBC la hadlay ayaa tirada dadka qaraxaasi ku dhintay ku sheegay saddex iyo toban qof, waxaana ku dhaawacantay buu yiri shan kale.
Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa qoraal ku sheegay inuu bartilmaameedku ahaa Gudoomiye Waafow.
Mareykanka ayaa cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Degmooyinka Afgooye iyo Marka, oo galaaftay nolosha sagaal iyo toban qof, halka saddex iyo labaatan kalena ay ku dhaawacantay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay inaanan intaan ka dib gacmaha laga laaban karin dhagarta mintidiinta Al Shabaab, waxaana uu ku baaqay in hal meel looga soo wada jeesto, haddii ay maalin kasta beegsanayaan dadka indhaha u ah bulshada.
Shabaab waa cadowga keliya ee muuqdo, ee ay maanta Soomaali leedahay, waxaase muuqata inaanay weli dadka Soomaaliyeed ku baraarugsanayn naxariis la’aanta ururkaasi argagixiso, ee qalabka u sita gumaadka ummadda Soomaaliyeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com