Gudoomiyihii Degmada Marka oo ismiidaamin lagu dilay

Gudoomiyihii Degmada Marka, Cabdullaahi Cali Axmed (Waafow) ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagula eegtay Xarunta Degmada.

Tiro kale oo dad ah oo ay ku jiraan Ilaaladii Gudoomiyaha ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen weerarkaasi, oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdullaahi Waafow oo dowladda ugu magacawnaa Gudoomiyaha Degmada Marka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Ururka Al Shabaab.

Cabdullaahi Waafow ayaa sidoo kale ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda, isagoona ka qayb qaatay hawlgalkii bilowday sanadkii 2012 ee Shabaabka looga saarayay Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com