Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaraxii Marka ku sheegay mid muujinaya cadaawadda Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Marka, Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku shahiiday qarax kooxda arxan-laawayaasha ah ee Al Shabaab ay maanta ka gaysteen magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada muwaadiniinta kale ee ku geeriyooday qaraxan, waxa uuna sheegay in falkan iyo kuwii ka horreeyayba ay muujinayaan arxandarrada iyo cadaawadda kooxda argagixisada ah ee Al shabaab ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Gudoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyay, sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururada argagixisada ee caadeystay dhagarta shacabka Soomaaliyeed iyo daadinta dhiiggooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com