Laba qarax oo la sheegay inay ahaayeen miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, sideed iyo toban kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii ay qaraxyadaasi ka dhaceen Suuqa Ariga ee Afgooye.
Goobjooge ayaa sheegay in mashquul badani uu ka jiray suuqa, xilligii ay qaraxyadu dhacayeen.
Agaasimaha Isbitaalka Degmada Afgooye, Nuur Cumar Mayow ayaa sheegay in isbitaalkooda la soo gaarsiiyay dhaawacyada sideed iyo toban qof, kuwaa oo toban ka mida ay xaaladoodu liidato.
Agaasimaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dadka dhaawacyada culus qaba ay u sameeyeen gargaar degdeg ah, ka dibna ay u gudbiyeen Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Dhammaan dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay qaraxyadaasi ayaa rayid ahaa.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, waxaase si dhow loola xiriirinayaa maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com