Turkiga oo mar kale madax xanuun ku ridaya Giriiga iyo Midowga Yurub

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay dib u bilaabi doonto sahminta shidaal qodista ee Badda Mediterranean-ka, 9-ka bisha soo socoto ee August.

Wasaaradda Tamarta Turkiga ayaa sheegtay in markabka Abdulhamid Han uu hawlgal ka bilaabi doonto Badda Mediterranean-ka.

“Markabka qodista Turkiga ee Abdulhamid Han wuxuu hawlgal ka bilaabi doonnaa Badda Mediterranean-ka 9-ka bisha August, isagoo ka shiraacanaya Dekedda Mersin ee koonfurta dalka.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda.

Bayaanka laguma caddeyn goobta rasmiga ah ee sahminta shidaalka laga samayn doono, balse Sarkaal ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa toddobaadkii hore sheegay inay sahminta ka sii wadi doonaan meel u dhow Jasiiradda kala qaybsan ee Qubrus.

Turkiga ayuu muran xuduud badeedka dhinaca bariga Mediterranean-ka kala dhaxeeyaa dalka Giriiga, oo xubin ka ah Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sanadkii 2020 ku dhawaaday in uu cunaqabateyn ku soo roggo Ankara, ka dib markii Ankara ay sahminteeda gaaska dabiiciga ka sii waday Badda Mediterranean-ka.

Midowga Yurub ayaa muddo dheer hortaagnaa suurtagalnimada dagaal militari oo dhex mara Turkiga iyo Giriiga, bacdamaa ay labaduba ka tirsan yihiin Gaashaanbuurta NATO, haddana midda Turkiga lagu colaadinayo ayaa ah gaaska laga helay Badda Dhexe ee lagu muransan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com