Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay ismiidaamintii Magaalada Marka

Inta la xaqiijiyay saddex iyo toban qof ayaa ku dhimatay, shan kalena way ku dhaawacantay ismiidaamintii maanta ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Degmada Marka.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday goob ay fadhiyeen Gudoomiyihii Degmada Marka, Cabdullaahi Cali Axmed (Waafow) iyo dad kale.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyay in saddex iyo toban qof oo Gudoomiye Waafow uu ku jiro ay ku dhinteen qaraxaasi, shan kalena ay ku dhaawacantay.

Gudoomiyaha ayaa masuulidda weerarkan dusha kaga tuuray Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay caadeysteen daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Shabaabka ayaa qoraal ku sheegay in bartilmaameedka weerarku uu ahaa Gudoomiye Waafow.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa loo qaaday Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Marka, Saalim Xasan Buraale (Warfaa).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com