Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo booqday dhaawacyadii Marka laga keenay

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalka Magaaladda Muqdisho, oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii shalay ka dhacay Magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Gudoomiye Kuxigeenku ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa kormeeray ICU-da Isbitaalka Digfeer, oo ah qayb la geeyo dhaawacyada ay xaaladoodu liidato, waxaana dhakhaatiirta isbitaalada uu booqday ka wareystay xaaladda bukaanada ay qaabileen iyo qaabka ay hadda ula tacaalaan.

Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhammaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay, sida uu uga xun yahay dhibaatada soo gaartay, isla-markaana uu ku garab istaagi doono, sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com