Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Wasiirka lagu dilay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Koonfur Galbeed, ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur), Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed oo maanta ay kooxaha argagixisada ku dileen qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Lugbuur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa inta uu xilalka kala duwan uu qabtay, sida uu ugu adeegay bulshadiisa, hadda oo uu ahaa Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed uu si wanaagsan uga qayb qaadanayay u adeegidda bulshada reer Koonfur Galbeed

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wasiir, aqoonyahan, samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed, isaga oo kaalin mug leh ku lahaa dadaaladii dib loogu dhisayay dowladnimada Somaliya, si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa door la taaban karo uu ku lahaa Marxuum lugbuur.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo, inta ku dhaawacantayna Alle uga baryay inuu u booga-dhayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com