Ra’iisal Wasaare Barre oo si kulul u cambaareeyay qaraxii Baydhabo

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixiso ee maanta lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Koonfur Galbeed, Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur).

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska Wasiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa waxa uu sheegay in falalka argagixiso aanay marna niyad jebin doonin dadaalka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ay ugu jiraan amniga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku eedeeyay mintidiint Al aShabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com