Shabaab oo mar kale galay xerada Ciidanka Liyuu Boolis ee Caato

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa saaka mar kale weerar culus ku qaaday xerada Ciidanka Liyuu Boolis ku leeyihiin deegaanka Caato ee Gobolka Bakool, gaar ahaan dhinaca xadka.

Shabaabka ayaa dhowr jiho ka weeraray xerada Caato, iyadoona uu halkaasi labada dhinac ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay in Xoogaga Shabaabka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta xerada Caato.

Ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab, midna.

Shabaabka ayaa 20-kii bishan weerar cagmarin ah ku qaaday xeryaha Ciidanka Liyuu Boolis ee Yeed iyo Caato.

Khamiistii shalay ayay ahayd, markii Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ee Gobolka Bakool, Cismaan Abuu Cabdiraxmaan uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Ciidanka Liyuu Boolis, isagoo markaasi ku eedeeyay inay muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyeen dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka shacabka ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com