Wasiirka Cadaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) ayaa Salaaddii Jimcaha ka dib ee maanta waxaa lagu dilay qarax lagula eegtay agagaarka Masaajidka Mubashar ee Magaalada Baydhabo, oo Salaaddii Jimcaha uu ku soo tukaday.
Qaraxa ayaa lagu aasay nawaaxiga Masaajidka, Wasiirka ayaana u muuqday inuu bartilmaameedku ahaa. Sidoo kale wiil uu dhalay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi.
Ilyaas Cali Nuur, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay geerida Wasiir Lugbuur iyo dhaawaca wiilka uu dhalay.
Wasiirka Warfaafinta ayaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay ka masuul yihiin tallaabada lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com