Muxuu ka dhigan yahay, haddii la xaqiijiyo dilka Fu’aad Shangole?

War ka soo baxay Militariga Itoobiya oo laga sii daayay telefishinka afka dowladda dalkaasi ku hadla ee ETV ayaa lagu sheegay in saddex ka mida Saraakiisha Ururka Al Shabaab lagu dilay dagaalkii deegaanka Caato ka dhacay, Jimcihii.

Warka ayaa lagu sheegay in Saraakiisha la dilay ay kala yihiin Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole), Madaxii Dacwada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab, Afhayeenkii Hawlgalada Al Shabaab iyo Cubeyda Nuur Ciise, oo Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dhinaca xuduudda Itoobiya iyo Gobolka Bakool.

Cabdicasiis Abuu Muscab oo xalay la hadlay Idaacadda Andalus ayaa faah faahiyay weerarka ay ku qaadeen xerada Ciidanka Liyuu Boolis ee deegaanka Caato. Abuu Muscab ma soo hadalqaadin warka ka soo baxay Itoobiya ee lagu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay xubno uu isagu ka mid ahaa.

Mareykanka ayaa horey madaxa Fu’aad Shangole u duldhigay lacag dhan shan milyan oo dollar, lacagtaas oo loo ballanqaaday in la siin doono ciddii keenta xog lagu soo qaban karo amaba lagu dili karo ninkaasi.

Fu’aad Shangole waxaa lagu tilmaamaa ninka 3aad ee haatan ugu awoodda badan Al Shabaab, marka laga soo taggo Hoggaamiyaha Al Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda iyo Kuxigeenkiisa Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay).

Haddii la xaqiijiyo dilka Shangole ayaa wuxuu noqon doonnaa Sarkaalkii ugu sarreyay Shabaab ee la dilo, tan iyo 1-dii bishii September ee sanadkii 2014, markaas oo Mareykanku uu weerar dhinaca cirka ahi ku dilay Amiirkii hore ee ururkaasi, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).

Shangole, haddii uu dhintay waxa ay ahayd qodax ummadda Soomaaliyeed ku taagan oo Alle uu ka bixiyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com