Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa lix qof ku toogtay fagaare ku yaala deegaanka Buula Fuulaay ee Gobolka Baay.
Maxkamadda Al Shabaab ee gobolkaasi ayaa dhammaan lixdaasi qof ku eedeysay inay u basaasayeen Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka.
Qaadiga Maxkamadda ayaa fagaaraha Buula Fuulaay ka akhriyay xukunka ay maxkamaddu ku riday xubnahaasi.
Qaadiga ayaa sheegay in basaasiinta qaarkood ay ka masuul ahaayeen dilka Saraakiil ka tirsanaa Shabaab iyo weliba odayaal dhaqameedyo.
Ciidamada Xisbada ee sida booliska oo kale u tababaran ayaana dilka ku fuliyay xubnahaasi.
Shabaabku ma soo bandhigaan cadeymo iyo qiraal muujinaya dadka ay xukunada ku fuliyaan, marka laga soo taggo oraahda looga bartay ee ah ‘isagaa qirtay’.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com