Diyaarado dagaal oo duqayn ka gaystay Gobolka Hiiraan

Diyaarado dagaal ayaa duhurnimadii maanta duqayn xoogan ka gaystay deegaanka Coomaad ee Gobolka Hiiraan.

Diyaaradahan ayaa bartilmaameedsaday fariisimo ay Shabaabku ku leeyihiin deegaankaasi, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay arkayeen diyaaradahan oo joog hoose ku duulaya, waxaana loo maleynaya in laga leeyahay dalka Itoobiya.

Deegaanka ay duqayntu ka dhacday ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay isku horfadhiyay Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Duqaynta ayaa ku soo aadaysa toddobaad ka dib, markii dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay ka tallaabeen xuduudda Gobolka Hiiraan, una gudbeen dhinaca Gobolka Shabelle ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, inkastoo markii dambe dagaal looga soo saaray.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com