Madaxweynaha Ruushka oo ku hanjabay inay Mareykanka kula tartamayaan badaha

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta sheegay in dalkiisu uu qorsheynayo inuu noqdo awood weyn oo dhanka badda ah, oo la tartami doona Mareykanka, saamayn ahaan.

Madaxweynaha oo Magaalada Saint Petersburg kaga qaybgelayay munaasabadda sanadlaha ah ee lagu xuso maalinta Ciidanka Badda Ruushka ayaa ka digay waxa uu ugu yeeray damaca Mareykanka ee ah inuu xukumo badaha caalamka iyo is ballaarinta Gaashaanbuurta NATO, isla-markaana ay ka dhigan tahay mid ka mida khataraha ugu waaweyn ee Ruushka uu wajahayo.

“Xaaladaha maanta taagan waxay u baahan yihiin inaan qaadno tallaabo waafi oo degdeg ah, go’aan qaadashana leh, waxaan hubaa in jiilka hadda jira ee badmaaxiinta iyo saraakiishu ay yihiin garab istaagga la isku halayn karo ee aabayaasheena. Dhammaanteen, dalka hooyo fekrad ahaan waa muqadas ilaalintiisa, waa waajibaadka iyo nuxurka nolosha, mid kasta oo inaga mid ah.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in dhawaan ay soo saari doonaan, isla-markaana ay si buuxdo u adeegsan doonaan gantaalka Tsirkon hypersonic, kaas oo loo diyaariyay inuu ka jawaabo wax kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo qaranimada dalkaasi.

Madaxweyne Putin ayaa saxiixay dokumenti ka kooban 55 bog, kaasoo la xiriira amarro fulineed oo qeexaya siyaasadda cusub ee xeerarka Ciidanka Badda Ruushka, xuduudaha iyo meelaha danaha qaranka ee dalkaasi.

Putin oo ka hadlayay ayaana yiri “Tan ugu muhiimsan waa awoodda Ciidankeena Badda, waxayna si degdeg ah uga hortaggi doonaan damac kasta oo lagu doonayo in lagu soo galo badaheena, iyagoo si sharaf leh u difaaci doona xuduudaha dalkayaga, dhinac kasta oo ay uga yaallaan biyaha caalamka.”

Moscow ayaa dib u habayn iyo tayeynba ku sameynaysa qalabka ay adeegsadaan Ciidamada Badda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com