Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Saraakiisha hay’adaha amniga (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa galabta shir guddoomiyay kulan looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi iyo Saraakiisha kala duwan ee laamaha ammaanka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee ka soo korodhay xuduudda Gobolka Bakool uu la wadaago Gobolka Afdheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo sidoo kalena lagu soo hadalqaaday qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalooyinka Marka, Afgooye iyo Baydhabo, oo lagu dilay masuuliyiin ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed iyo weliba dad shacab ah.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu dambayn waxa uu dhinacyadaasi faray in loo diyaargaroobo dagaal ka dhan ah Al Shabaab, isla-markaana ay garabsadaan dhammaanba dhinacyada dagaalka kula jira.

Madaxweyne Laftagareen Arbacadii sheegay wixii xilligan ka dambeeya inaanan gacmaha laga laaban karin dhagarta maleeshiyada Al Shabaab, bacdamaa ay dilayaan dadka, kuwooda ugu waxtarka badan bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com