Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar u soo xiray Dufcadda 4aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.
Madaxweynaha oo uga mahadceliyay Dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015 ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.
“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u ogolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.
Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.
Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka Turkiga, Mehmet Yilmaz, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com