Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dambe oo xalay ahayd magacaabay Golihiisa Wasiirada.
Madaxweynaha ayaa magacaabay gole ka kooban 81 xubnood, oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.
Xubnaha la magacaabay lix ka mida waa haween, kuwaa oo min laba xubnood ka helay Wasiirada, Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiiru Dowleyaasha.
Madaxweyne Guudlaawe ayay muddo 20 bilood ku siman ku qaadatay magacaabidda Golihiisa Wasiirada cususb.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com