Akhriso: Magacyada liiska Golaha Wasiirada cusub

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadiisa, ka dib wadatashi uu la sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoonka iyo Xildhibaanada Labada Aqal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirada uu ku soo xulay aqoon, karti iyo waayo-aragnimo, kuwaa oo uu sheegay inuu rajeynayo in ay ka jawaabi doonaan baahida marxaladda taagan, dalkana ay u jeexaan dhabo cusub, iyadoo lagu shaqeynayo hal-ku-dhigga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ah ‘Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah’.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa xukuumadiisa cusub ugu magac-daray ‘Xukuumadda Dan Qaran’, waxaana uu si xushmad iyo qaddarin leh uga codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka in ay ansixiyaan golahan, marka la horkeeno, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Xubnaha Golaha Wasiirada oo u badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isugu jira qaar horey xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka isaga kala dambeeyay iyo kuwo cusub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com