Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta ku dagaalamay deegaanka Bukure, oo hoostagga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waana deegaan ay in muddo ahba labada dhinac isku horfadhiyeen.
Ciidanka Qaybta 27aad oo gacan ka helaya kuwa Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday fariisimihii Shabaabku ku lahaayeen deegaankaasi.
Dagaalka ayaa ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, iyadoona uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, inkastoo aan macluumaad sax ahi laga hayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.
War ka soo baxay Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay tiro ka mida maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay ciidamadu ku burburiyeen saldhigii Shabaabka ee deegaankaasi.
“Hawlgal qorsheysnaa oo ay wadajir u fuliyeen Ciidamada Qaybta 21aad iyo kuwa 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa waaberigii hore saaka lagu qaaday deeganka Bukure, oo hoostagga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Hawlgalka waxaa lagu dilay tiro ka mida maleeshiyaadka Al Shabaab, waxaana lagu soo furtay dhowr iyo toban gacmeed oo qoryo ah, oo ay ku jiraan labo BKM, waxaana lagu burburiyay guud ahaan saldhigii kooxda ee deegaankaas.” Ayaa lagu yiri warka.
Gudoomiyaha Degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda ay laba askari kaga dhimatay dagaalka, tiro dhaawac ahna ay jiraan, balse khasaaraha gaaray Shabaabku uu yahay mid aad u tiro badan, sida uu yiri.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa hoggaaminayay gulufka ciidamadu ay saakay ku qaadeen deegaankaasi.
Dagaalka ayaa imaanaya, xilli Ciidamada Dowladda ay maalmihii ugu dambeysay hawlgalo ka wadeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas, Maxaas illaa aagga Matabaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com