Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda oo magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub, ka dib munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabay 25 wasaaradood, waxaana uu sheegay in xukuumadda cusub uu ugu magac-daray ‘Xukuumadda Dan Qaran’.

Ra’iisal Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Golihiisa Wasiirada.

Ka dib markii lagu dhawaaqay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa la faray inay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda, ka dib marka la dhaariyo.

Xubnaha Golaha Wasiirada oo ku sugnaa munaasabadda ayaa sawir wadajir ah la galay Ra’iisal Wasaare Barre.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo saddexdii sano ee ugu dambeysay u xirnaa Dowladda Federaalka, horeyna u soo noqday Kuxigeenka Hoggaamiyaha Al Shabaab ayaa loo magacaabay Wasiirka Diinta & Awqaafta.

Wasiirada la magacaabay oo u badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isugu jira qaar horey xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka isaga kala dambeeyay iyo kuwo cusub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com