Inta la ogyahay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax miino, oo maanta ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Masaarida ayuu bartilmaameedku ahaa gaari Cabdi Bille ah, oo ay la socdeen Ciidanka Xoogga Dalka, oo ku sii jeeday dhanka Warshadda Caanaha.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay ciidamadu ka badbaadeen qaraxaasi, balse ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah oo waddada dhinaceeda marayay, mid kalena uu ku dhaawacmay.
Ciidan uu watay Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan, Xuseen Cadceed Cismaan ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay dhowr nin u soo qabteen qaraxaasi, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com