Wariyeyaasha oo looga yeeray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, xilli lagu wado magacaabista Golaha Wasiirada

Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta looga yeeray Aqalka Madaxtooyada, xilli lagu wado in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu munaasabad kaga dhawaaqo xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha loo wado Golaha Wasiirada ay haatanba ku sugan yihiin Qasriga Villa Somalia, si ay goobjoog uga noqdaan munaasabadda ay tahay in lagu magacaabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan kama dambeys ah oo wadatashi uu la qaatay Ra’iisal Wasaare Barre, ka hor intii aan Saxafiyiinta looga yeerin Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ma cadda tirada ay ka koobnaan doonaan Golaha Wasiirada, waxaase soo baxaya warar sheegaya in Ra’iisal Wasaaruhu uu soo magacaabi doono 25 Wasiir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com