Wasiir ka tirsan xukuumadda cusub oo iska casilay jegada Wasiirnimo

Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta ayaa noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee iska casila Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Maxamed Cabdulqaadir Cali oo magaciisa ku arkay liiska Golaha Wasiirada cusub ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in jegadaasi uu iska casilay.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo, anigoo ah Maxamed Cabdulqaadir Cali, loona magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta maanta, golihii uu ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, inaan iska casilay xilka Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, maadaama beel ahaan aanan u khalmin xilka Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, aanana ku meteli karin golahaasi beesheeda Wasiir Kuxigeen Wasaaradda Qorsheynta.” Ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Maxamed Cabdulqaadir ayaa yiri “Waxaan ku diidanahay beel ahaan, beesheeda wasaaradaasi uma khalanto, waxaana lahaan jirnay Wasiir buuxa, maadaama hadda la yiri beeshiina waxay heshay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, waxay ahayd inaan qaadano Wasiir u khalma beesha, maadaama ay Xildhibaano badan leedahay.”

Is casilaadiisa ayaa ku soo aadaysa, wax yar uun ka dib, markii galabta uu Ra’iisal Wasaaruhu ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com