Booliska oo Muqdisho ka sameeyay hawlgal dad badan lagu soo qabqabtay

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka sameeyay hawlgal dad badan lagu soo qabqabtay.

Hawlgalka oo ahaa mid amniga magaalada lagu sugayay ayaa lagu beegsanayay ciyaal weerada iyo kooxaha burcadda ah, ee dadka ku baarta xaafadaha magaalada.

Taliyaha Booliska Qaybta Galbeed, Yaasiin Nuur Khayre (Yaasiin Ganey) oo fagaare kula hadlayay dadkii hawlgalka lagu soo qabqabtay oo dhallinyaro u badnaa ayaa sheegay inaanan been lagu xaman ciidanka amniga, balse lala wadaago xogta ay hayaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dhallinyarada wax dhacda ay bulshada ka soo dhex baxeen, cirkana aysan ka soo dhicin, ha yeeshee ay weli u turayaan, ayna doonayaan inay u caqli celiyaan.

Hawlgalkan ayaa daba socdo hawlgalo ay muddooyinkii ugu dambeysay laamaha amnigu ka wadeen xaafadaha caasimadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com