Fu’aad Shangole oo beeniyay in lagu dilay dagaalkii Caato

Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole), Madaxa Dacwada ee Ururka Al Shabaab ayaa beeniyay in lagu dilay weerarkii xooganaa ee Shabaabku Jimcihii ku qaadeen deegaanka Caato ee Gobolka Bakool.

Militariga Itoobiya ayaa saacado ka dib weerarkaasi sheegay in dagaalka lagu dilay saddex Sarkaal oo Shabaab ah, kuwaa oo ay ku kala sheegeen Fu’aad Shangole, Cabdicasiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha ayaa baahisay cod laga soo duubay Fu’aad Shangole, isla-markaana uu ku sheegayo in weli uu nool yahay, uuna caafimaad qabo.

Fu’aad Shangole ayaa codka ku muujiyay dagaalkii 29-kii bishii July ka dhacay Caato iyo warka uu Militariga Itoobiya ku faafiyay geeridiisa.

Fu’aad Shangole waxaa lagu tilmaamaa ninka 3aad ee ugu awoodda badan Al Shabaab, marka laga soo taggo Hoggaamiyaha Al Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda iyo Kuxigeenkiisa Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay).

Mareykanka ayaa horey madaxa ninkan u duldhigay lacag dhan shan milyan oo dollar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com