Militariga Shiinaha oo gantaalo ku garaacay biyaha iyo hawada Taiwan

Militariga Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus ay barbar socdaan gantaalo ay ku garaacayaan biyaha iyo hawada Jasiiradda Taiwan, sida uu Khamiistan baahiyay Telefishinka Dowladda.

Telefishinka ayaa sheegay in Ciidanka Militariga Shiinaha ay dhoolatuskoodan sii wadi doonaan, illaa 12:00 duhurnimo ee Axadda soo socota.

Taiwan ayaa sheegtay in dhoolatuskan uu xadgudub ku yahay xeerarka caalamiga, isla-markaana uu Shiinuhu duulaan ku soo qaaday hawada sare ee Taiwan, caqabadna uu ku yahay baddeeda iyo hawadaba.

Xisbiga ka arrimiya jasiiradaasi ee Democratic Progressive Party (DPP) ayaa sheegay in Shiinuhu uu dhoolatuskan ka wado marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo sidoo kale dariiqyada duulimaadyada.

Beijing ayaa ka careysan booqashada ay toddobaadkan Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ku tegtay jasiiradaasi.

Nancy Pelosi oo ah masuulka saddexaad ee dalkaasi ugu awoodda badan ayaa noqotay siyaasigii ugu sarreeyay ee Mareykan ah oo booqda jasiiradaasi, markii ugu horreysay muddo shan iyo labaatan sano.

Dowladda Shiinaha ayaa Taiwan u aragta gobol ka mid ah dhulweynaha Shiinaha, balse si iskiis ah isku maamula, ayna tahay inuu dib ula midoobo dalka intiisa kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com