Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay ehelada, bahda Saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid Wariye Cali Muuse Cabdi oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka in uu ahaa tiir ka baxay Saxaafadda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna Allah u waydiiyay naxariistiisa janno in uu ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan naga siiyo.
Marxuum Cali Muuse ayaa ahaa Saxafi rugcaddaa ah, oo muddo dheer ka shaqeynayay Warbaahinta gudaha iyo dibadaba.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com