Taiwan oo hakisay duulimaadyadii caalamiga, ka dib xiisadda ku soo korortay jasiiradda

Taiwan ayaa si ku-meel-gaar ah u joojisay duulimaadyadii caalamiga, ka dib markii Shiinuhu bilaabay dhoolatus militari oo aad u baaxad weyn, oo isugu jira hareeraha hawada iyo badda Taiwan.

Sidoo kale hawada Koonfurta Korea ayaa laga joojiyay duulimaadyo ka tagayay Garoonka Diyaaradaha Incheon, kuna sii jeeday Taiwan, maalmaha Jimcaha iyo Sabtida. Incheon waa garoonka ugu weyn ee ku yaala Kuuriyada Koonfureed.

Shirkadda Asiana Airlines ayaa iyana hakisay duulimaadyadeedii tooska u taggi jiray Taiwan, maalinta Jimcaha. Shirkadda ayaa bayaan ku sheegtay in si dhow loola socon doono xiisadda taagan.

Dhoolatuska Shiinaha oo ka socdo marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo dariiqyada diyaaradaha ayaa sii socon doono illaa 12:00 duhurnimo ee maalinta Axadda.

Dhoolatuskan oo ay barbar socdaan gantaalo ay Militariga Shiinuhu ku garaacayaan hawada iyo biyaha Taiwan ayaa jawaab u ah booqashadii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ee jasiiradaasi.

Shiinaha ayaa mar sii horreysay shirkadaha diyaaradaha uga digay inay ku duulaan deegaanada ku xeeran Taiwan, si aanay khatar ugala kulmin hubka ay militarigiisa adeegsanayaan.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Koonfur Bari Asia ayaa ka digay in xiisadda ka taagan Taiwan ay horseedi karto dagaal furan oo qarxa.

Urur Goboleedka Asian ayaa sheegay in xiisadda sii kordheyso ee Taiwan ay dhallin karto dagaal ka dhex qarxa quwadaha waaweyn.

Beijing ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Washington ay qaadi doonto wixii cawaaqib ah ee ka dhasha, haddii Nancy Pelosi booqato Taiwan, digniintaas oo dhegaha ay ka fureysatay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com