Mareykanka oo gaadiid dagaal ugu deeqay Ciidanka ATMIS (SAWIRRO)

Dowladda Mareykanka ayaa gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ugu deeqday Ciidanka Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ee Dowladda Federaalka ka caawiya arrimaha amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkan oo dhowr iyo labaatan xabo gaaraya ku wareejisay Taliska Midowga Afrika, si ay uga caawiyaan howlahooda ay dalka u jooggaan.

“Si kor loogu qaado waajibaadka ka saaran wiiqitaanka Al Shabaab, ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah, Hawlgalka KMG Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS) ayaa la wareegay 24 gawaarida gaashaaman (APCs), oo ay ku deeqday Dowladda Mareykanka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee ATMIS.

Gaadiidkan ayaa waxaa isticmaali doona Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS, kana hawlgala Magaalada Beledweyne iyo deegaanada kale ee Gobolka Hiiraan, qaybtood.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Larry André ayaa sheegay in gaadiidkan ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan miinooyinka la dhigo amaba lagu aaso waddada dhinaceeda.

Kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee dalka, haweeneyda lagu magacaabo Fiona Lortan ayaa gaadiidkan ka guddoontay Danjire Larry André.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Militariga Jabuuti, General Daahir Cali Maxamed ayaa Mareykanka kaga mahadceliyay taageerada uu soo gaarsiiyay ciidankiisa.

Mareykanka ayaa bishii May sheegay inuu taageero dheeri ah siin doono Hawlgalka KMG ee ATMIS, ka dib weerarkii cagmarinta ahaa ay Shabaabku 3-dii May ku galeen xerada Ciidanka ATMIS ee deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com