Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta gaaray Degmada Cadaado (SAWIRRO)

Ergeyga Gaarka ee Arrimaha Bani’aadanimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ergeyga ayaa Maamulka Degmada Cadaado ka dhageystay warbixin ku aaddan xaaladdaha abaareed ee ka taagan duleedka degmadaasi.

Ergeygu wuxuu kormeer ku tegay xeryo barakacayaal oo ku yaala duleedka Cadaado, sida xeryaha Bari iyo Xarardheere oo barakacayaasha ku jira ay u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah, oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.

Dadkan ayaa waxaa isugu darsamay abaar iyo colaad ay sababeen kooxaha argagixisada.

Waxa uu sidoo kale Ergeygu booqday Isbitaalka guud ee Degmada Cadaado oo lagula tacaalayo carruur ay saameysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira gobolka.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya, oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaas,i balse waxaa u sii dheer xanuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Cadaado ayaa waxaa ku soo barakacay dad gaaraya 31,000 oo abaaruhu ceyrteeyeen, k adib afar xilli roobaad oo baaqday, cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadanimo aan kor loo qaadin, lana joogteyn.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, kuwooda wax haysta, Dowladda Federaalka, deeq-bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobey iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay gurmad degdeg ah gaarsiiyaan dadka tabaaleysan ee ku sugan Cadaado, si macaluusha soo wajahan looga hortaggo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com