General Xaaji Tuur oo sheegay inay nolosha ku hayaan 92 nin oo Shabaab ah

Taliyaha Ciidanka Gaarka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Axmed Maxamuud (Xaaji Tuur) oo markii u horreysay la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay khasaaraha ay maleeshiyada Al Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen ciidamadooda.

Taliyaha ayaa sheegay inay maleeshiyadaasi ka dileen 813 oo nin, oo ay ku jiraan 24 Saraakiil ah, isla-markaana ay qabteen maxaabiis dhan 92 nin oo Shabaab ah.

“Cadowga wixii uu maaganaa maanu gaarin. Cadowgu wuxuu maaganaa wadanka inuu soo galo, wax alla wuxuu doono inuu Somaliya oo kale ka sameeyo.” Ayuu yiri Taliyaha.

“Al Shabaab jabkii ugu weynaa ayaanu gaarsiinay, ebid nolosha waxaanan Al Shabaab qabanin oo adduunka ka dhicin ayay kala kulantay dagaalkii halkan ahaa.” Ayuu yiri jananka oo intaasi ku daray “92 nin oo Al Shabaab oo nool ayaan gacanta ku haynaa.”

General Xaaji Tuur ayaa dadka reer DDS ku ammaanay midnimadii ay muujiyeen, intii ay Ciidanka Liyuu Boolis dagaalka kula jireen mintidiinta.

“Dagaalkan, dagaalkii mideeyaha in loogu magac-daraa ayaan anigu oran lahaa, waayo muxaafid iyo nin aan muxaafid ahaynba, nin oranaya Al Shabaab ma khaldanee, dadkaa khaldan weli anigu ma arag.” Ayuu yiri General Xaaji Tuur.

Hadalhayn badan ayaa ka dhalatay tallaabada ay Shabaabku markii ugu horreysay gudaha ugu galeen qaybo ka mida dhulka Dowlad Deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com