Madaxweynaha oo kulan la qaatay Culimada Soomaaliyeed qaarkood (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa uga warbixiyay mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaalanka fekerka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorka wanaagsan, ee ay ka qaataan wacyigelinta, waxbaridda iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.

Culimada ayaa dhankooda Madaxweynaha la wadaagay talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaalanka fekerka xagjirnimada ah, iyaga oo xusay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com