Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya, ka dib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa Caasimadda Addis Ababa kulan kula leh madaxda dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga amniga ee labada dhinac iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha oo laba cisho jooggi doona magaaladaasi ayaa lagu wadaa in uu uga sii gudbo Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Dowladda Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay Gobolada Baay iyo Bakool ka hirgeliso goobo ka caagan maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com