Ra’iisal Wasaare Barre oo qaabilay farshaxamiistaha da’da yar ee Maslax Arts

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay farshaxamiistaha da’da yar ee ee Maslax Cabdi Daahir (Maslax Arts).

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay in uu sii wado soo bandhigidda sawirrada ka hadlaya horumarka dalka, hiddaha iyo dhaqanka.

“Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyay hal abuurka xirfadda ku dhisan ee Maslax Cabdi Daahir (Maslax Arts), wuxuuna ku bogaadiyay in uu sii wado soo bandhigidda sawirrada ka hadlaya horumarka dalka, hiddaha iyo dhaqanka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Maslax Arts waa nin dhallinyaro ah, kaasoo aad u xiiseeya in uu xirfaddiisa u adeegsado is bedelka bulsho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com