Baarlamaanka oo ansixiyay Golaha Wasiirada ee xukuumadda (SAWIRRO)

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta codka kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta Golihiisa Wasiirada horgeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo uu ajandihiisu ahaa ‘U codeynta kalsooni siinta xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda’.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa hareeyay buuq, iyadoo tiro Xildhibaano ah ay is horgudbeen ajandihii kulanka, waxayna dalbadeen in ajandaha lagu soo daro mooshin ay ka soo gudbiyeen xukuumadda.

Ugu dambayn 229 Xildhibaan ayaa haa ugu codeeyay Golaha Wasiirada, ee 2-dii bishan uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Barre, iyadoo 7 xubnood ay diideen, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay inay xukuumaddu ansax tahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com