General Dhuumaal oo ka hadlay Ciidamada Itoobiya ee yimid Degmada Doolow

Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa ay Ciidamada Itoobiya ka bilaabeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan oo ka soo gudbay xuduudda ayaa Sabtidii gaaray degmadaasi, waxaana la sheegay inay wataan gaadiidka dagaalka iyo madaafiicda goobta, iyagoona fariisimo ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Doolow iyo aagga Buundo Gaduud. Wararka ayaana sheegaya inay horudhac u yihiin ciidan kale oo gobolka ku soo wajahan.

Wasiirka Amniga Jubbland oo ka hadlayay imaanshaha ciidamadan ayaa yiri “Ciidamada Itoobiya awalba way ku jireen/jooggeen Gobolka Gedo, waxayna jooggeen Baardheere, Buurdhuubo, Garbahaarey iyo Luuq.”

Wasiirka oo howlo shaqo u joogga Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa yiri “Kuwa hadda yimid waxay yimaadeen Degmada Doolow, waxayna u socdaan waa xoojinta amniga xuduudaha, kuwii horey u joogay inay xoojiyaan oo meesha deganaa, iskaashina ciidamada gobolka joogga iyo iyaga inay ka yeeshaan la dagaalanka Al Shabaab.”

Waxa uu sheegay inay ciidamadan u yimaadeen, ka hortagga weeraro kale oo maleeshiyada Al Shabaab ka gaysan karaan xuduudda, ujeed kalena aanay gobolka u imaan.

“Maalin dhaweyd waxaad ogtahay in xadka la galay oo ciidamo badan oo argagixiso ah ay ka gudbeen xuduudda, una gudbeen dhinaca Dowlad Deegaanka, dhibaatooyin fara-badana ay sameeyeen, ayaguna saan is leeyahay hadda la soo afjaray. Marka kooxo kale oo is abaabulaya ka hortaggooda weeye, mooyaanee wax kale oo hadda dhibaato ah ama cilad ah ka jiro, ma jiraan.” Ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Dowladda Itoobiya ay waddo qorshe ay ku dooneyso inay Gobolada Baay iyo Bakool kaga hirgeliso goobo ka caagan maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com