Golaha Wasiirada cusub oo lagu dhaariyay Xarunta Villa Hargeisa (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada cusub ayaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii Xildhibaanadu ay ansixiyeen.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay kalsooni siinta xukuumadda uu soo magacaabay, waxaana uu sheegay in xukuumaddiisa ay dardargelin doonto hirgelinta barnaamijyada horyaalla.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa dhaariyay xubnaha Golaha Wasiirada, oo isugu jira Wasiiro, Wasiir Kuxigeeno iyo Wasiiru Dowleyaal.

Tani ayaa ka dhigan inay guda geli doonaan la wareegidda xilalkooda, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa horaan golihiisa faray inay xilalkooda la wareegaan, marka loo dhaariyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com