Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Somalia kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Qatar ee dalka, Danjire Hassan bin Hamza ayaa ka guddoomay martiqaad uu uga siday Amiirka dalkaasi, Tamim bin Hamad Al Thani.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Safiirka farriin iyo salaan uu u diray Amiirka, waxa uuna uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka, isagoo rajeeyay in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka dalkiisa, isaga oo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa nuxurkiisu yahay, sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com