Mareykanka oo soo dhaweeyay ansixinta xukuumadda cusub ee dalka

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweysay tallaabada ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyeen Golaha Wasiirada ee xukuumadda.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda ayaa hambalyo loogu diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Waxaan ugu hambalyeynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ansixinta Golaha Wasiirada.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Mareykanku waxa uu aad u daneynayaa inuu sii wado ka qaybgalkayaga taageerada soo noolaynta Somaliya.”

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Golaha Wasiirada cusub, oo gaaraya dhowr iyo toddobaatan xubnood.

Golaha oo isugu jira Wasiiro, Wasiir Kuxigeeno iyo Wasiiru Dowleyaal ayaa isla maantaba lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com