Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Safiirka Kenya ee dalka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Safiirka Dowladda Kenya u joogay dalka, Danjire Lucas Tumbo oo dhameystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howlgelayay dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in Danjire Lucas Tumbo uu ka howlgalayay gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is ixtiraam iyo deris wanaag, oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblomaasiyadda Soomaaliyeed.

Danjire Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, waxa uuna tilmaamay dadaalka uu ku bixiyay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com