Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi.
Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda, Odongo Jeje Abubakar ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalmood ayaa wada hadalo ku qotoma xoojinta & horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaasi Yoweri Museveni.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu ka qaybgeli doonnaa madasha dhaqaalaha Somaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doona, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax soosaarka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com