Madaxweyne Laftagareen oo gaaaray Magaalada Jigjiga (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Garoonka Diyaaradaha Jigjiga waxaa wafdiga Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Jigjiga ayaa ku qotoma, sidii isaga iyo Madaxweyne Cagjar ay uga wada hadli lahaayeen iskaashi ku qotoma qaqiijinta amniga xuduudda iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com