Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Wakiilka Qaramada Midoobey kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Somaliya.
James Swan ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisal Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.
Labada masuul ayaa sidoo kale, isla soo qaaday arrimaha ammaanka, abaaraha ka jira dalka oo lagu wajaho gurmad mideysan iyo sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada caalamiga ah iyo qorsheyaasha dowladda mudnaanta u leh.
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midooby taageerada ay la garab taagan tahay Somaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com