Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Uganda (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Caasimadda Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, kaas oo ay ka wada hadleen horumarinta xiriirka & iskaashiga ay wadaagaan labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee heer qaaradeed.

Labada Madaxweyne ayaa dhiirigeliyay qabasoomidda Kulanka Koowaad ee Xubnaha Joogtada ah ee Guddiga Isku dhafka labada dal (JPC), oo u xil saaran kobcinta iskaashiga diblomaasiyadda & siyaasadda, wada shaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, iyagoo soo dhaweeyay saxiixa heshiisyada is afgarad ee Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee booqashadan ku wehliya Madaxweynaha iyo dhiggooda dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Museveni, dowladda iyo shacabka dalkiisa garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay mowqifka walaaltinimada leh ee Dowladda Uganda ay ku taageertay codsiga Dowladda Somaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Museveni ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu u ajiibay casuumaadda uu u fidiyay iyo wada hadaladadoodii xigay, isagoo ku ammaanay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhabar-adeygga iyo dadaalka ay ku bixinayaan xasillinta dalkooda.

Ugu dambayn labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirada Arrimaha Dibadda labada dal oo goobjoog u ahaa heshiisyada iyo is-afgaradyada ay kala saxiixdeen Somaliya iyo Uganda, in ay xaqiijiyaan dhaqangelinta go’aanada iyo talooyinka ka soo baxay Kulankii Koowaad ee Guddiga Joogtada ah ee labada dal iyo inay sidoo kalena sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaray hirgelintooda, loona sahmiyo dhinacyo kale oo labada dal ay iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashadiisa Uganda ay qaadan doonto saddex maalmood ayaa inta uu ku sugan yahay waxa uu kaga qaybgeli doonnaa madasha dhaqaalaha Somaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doona, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax soosaarka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com