Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa ka hadlay baaritaan ay Hay’adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ka waddo gurigiisa Mar-a-Lago, oo ku yaala Magaalada Palm Beach Gobolka Florida.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in Hay’adda FBI ay isku gadaamtay dhismaha hoygiisa, ka dib markii sida uu sheegay ay ciidamo badan keentay.
Waxaa uu sheegay inaanan loo baahnayn hawlgalkaasi, bacdamaa sida uu yiri uu la shaqeeyay laamaha amniga ee dalkaasi.
“Gurigayga quruxda badan ee Mar-A-Lago ee Magaalada Palm Beach waxaa hadda lagu hayaa go’doomin, ka dib markii la weeraray, waxaana ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan Hay’adda FBI-da.” Ayuu yiri Donald Trump, Madaxweynihii hore ee Mareykanka.
Ciidamada ayaa la sheegay inay Isniintii u daateen dhismaha gurigaasi, isla-markaana ay jabsadeen khasnad dhex tiilay guriga.
Baaritaankan ayaa qayb ka ah baaritaano lagu wado, sida uu u maareeyay xogaha sirta ee qaranka, sida ay ku warameyso Warbaahinta dalkaasi.
Trump ayaa baaritaankan ku tilmaamay mid anshax xumo ah oo dowladda dalkaasi ay kula kacday, isla-markaana ay si khaldan u adeegsaneyso hannaankii cadaaladda iyo garsoorkaba.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com