Xasan Sheekh oo booqday warshadaha sameeya qalabka Ciidamada Uganda (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Uganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola, oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Militariga ee Uganda.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyay dadaalada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda, taas oo dhiirigelinaysa dalalka gobolka iyo hal abuurka shucuubta Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalkan, waxa uuna ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha ku wehlinayay booqashadan, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Jibriil Cabdirashiid, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamed iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda, Cali Maxamed Maxamuud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com