Kooxo hubeysan oo dad ku laayay xaflad aroos oo ka socotay duleedka Afgooye

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay, toban kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii kooxo hubeysan ay xalay weerareen xaflad aroos oo ka socotay deegaanka Cadayley ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxahan ayaa la sheegay inay rasaas oodda kaga qaadeen dadkii ka qaybgelayay xafladaasi arooska ahayd.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, iyadoona dhaawacyada qaarkood ay xaaladoodu liidato.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo horey u soo noqday Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa wax ugub ah ku tilmaamay falka ka dhacay deegaankaasi.

Ma cadda sababta loo beegsaday xafladaasi, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Afgooye, Ismaaciil Aadan Caddow ayaase sheegay in laamaha ammaanku ay wadaan baaritaano ku aaddan kooxihii dadkaasi laayay.

Somaliya ayaa waxaad mooddaa in dhawaalaba inay la deris noqotay dhacdooyinka argagax-gelinaya bulshada, ee hadalhaynta badan abuuraya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com